Home / Arrimaha Bulshada / Gabdho laga afduubtay iskuul ku yaalla Nigeria

Gabdho laga afduubtay iskuul ku yaalla Nigeria

Himilo – Rag hubaysan ayaa weerar ay ku qaadeen iskuul sare oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee Nigeria ku afduubtay 25 gabdhood oo iskuulay ah, sida laga soo xigtay dawladda.
Afhayeen ku hadlay booliska ayaa sheegay in isbuulka uu ahaa mid ay ardayda deggan yihiin, wuxuu intaas raaciyay in kooxda soo weerraray ay wateen hub casri ah iyo mootooyin.
Is-risaasayn ay is dhaafsadeen ilaaladii iskuulka ayaa la sheegay inuu ku dhintay mid ka mid ah waardiyayaasha, halka qof kale uu dhaawacmay. Hadda waxaa socda hawl gal la doonayo in lagu soo furto ardayda maqan.
Kooxda ayaa la sheegay inay la galeen dhul kaymo ah oo hadda lagu hareeraysan yahay. Ilaa iyo hadda cidna ma aysan sheegan masuuliyadda weerarka gabdhaha lagu afduubtay.
Tan iyo 2014, waxaa Nigeria lagu afduubtay ugu yaraan 1,500 oo arday, iyadoo isla sanadkaas la qafaashay 276 arday.  Sanadkii la soo dhaafay waxaa la soo badbaadiyay 130 arday oo toddobaadyo la haystay.
Dadka lagu afduubto Nigeria qaarkood kooxaha qabsada soo dayntooda waxay ku xiraan bixinta lacag madax furasho ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan