Himilo – Xiddiga garabka ka ciyaara ee Lamine Yamal ayaan ka mid ahayn kooxda Barcelona kulanka Champions League ee ay Khamiista la ciyaari doonaan Newcastle United.
18-sano jirkaan ayaa seegay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaartay Valencia axadii isagoo dhibaato gumaarka ah ka soo gaaray ka dib markii maamulaha Barcelona Hansi Flick uu dhaleeceeyay waqtiga uu Yamal u ciyaaray Spain intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah.
Yamal ayaa u ciyaaray dalkiisa 79-daqiiqo oo ay 3-0 kaga badiyeen Bulgaria 4-tii Sebtembar iyo 73-daqiiqo oo ay 6-0 kaga badiyeen Turkiga saddex maalmood kaddib.
Barcelona ayaa 6-0 ku garaacday Valencia la’aantiis, mana aysan soo xulin weeraryahanka kooxdeeda kulankoodii ugu horreeyay ee Champions League xilli ciyaareedkan ee St James Park.
Daafaca bidix ee Spain Alejandro Balde oo muruqa ka dhaawacan iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Gavi oo jilibka dhaawac ka ah ayaa sidoo kale maqan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong ayaa sidoo kale seegay kulankii Valencia ka dib waajibaadkii caalamiga ahaa laakiin wuxuu diyaar u yahay kulanka Newcastle.
Barcelona ayaa ku guuleysatay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay gaartay semi-finalka Champions League ka hor inta aysan guuldaro kala kulmin Inter Milan.
Radio Himilo
