Himilo – Pep Guardiola ayaa lumiyay fursad weyn oo uu ugu guuleysan lahaa koobkiisii seddexaad ee Champions League isagoo tababare ah garoonka Estadio do Dragao sabtidii markii ay wajaheen Chelsea.
Kooxda Thomas Tuchel ayaa garaacday markii seddexaad seddex tartan oo kala duwan muddo bil gudaheed ah si ay u qaadaan koobka ugu weyn Yurub.
Tan iyo markii la magacaabay Guardiola sanadkii 2016, Manchester City ayaa gacanta ku heysay kubada cagta Ingariiska, iyadoo ku guuleysatay seddex horyaal oo Premier League ah, afar koob oo Carabao Cup ah, hal FA Cup iyo labo Community Shield.
“Waxaan u tartarnay si la yaab leh,” ayuu yiri Guardiola kadib ciyaartii finalka.
Waxa ay aheyd markii ugu horeysay ee aan halkaan joogno. Waa inaan u diyaar garownaa inaan soo laabano maalin uun.
Manchester City ayaa ka mid noqotay 20-ka koox ee gaadhay finalka champions League laakiin aan waligood ku guulaysan koobka. Liiskan ayaa ka kooban kooxo ay ka mid yihiin mid gashay saddex jeer kaalinta 2-aad kooxda Atletico Madrid, sidoo kale Stade de Reims iyo Valencia oo labadooduba laba jeer gaadhay finalka iyaga oo aan badinin.
Shantii xilli ciyaareed ee uu Guardiola joogay, Manchester City waxay ku qarashgareysay 938 milyan oo euros saxiixyo, waxaana ay ka keentay 315 milyan oo euro iibka xidigaheeda.
Maalgashi gaaraya 623m euros ayaa kooxda u horseeday ilaa 10 horyaal, laakiin Sky Blues ayaan ku guuleysan inay gaarto hadafkeedii koowaad ee ahaa inay ku guuleysato Champions League.
Radio Himilo
