Himilo – Yahuudda sharci darrada lagu dejiyay Daanta Galbeed ayaa sii wada dhibaatada ay ku hayaan dadka reer Falastiin. Beeralayda waxay ka mid yihiin dadka dhibbanaha u noqday weerarrada ay geystaan.
Waxaa lagu soo warramayaa inay rujiyeen in ka badan boqol iyo kontan geed oo ah geedaha Saytuunta oo mirahooda laga soo saaro mid ka mid ah saliidaha ugu fiican dunida ee aadka loo gato.
Urur maxalli ah oo u doodaya Falastiin ayaa sheegay inay jareen geedo sanado la daryeelay oo hanti u ahaa qoysas beeralay ah oo xilliga isku diyaarinayay inay goostaan tacabkooda.
Falastiintiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ayaa tan iyo billowgii dagaalka Gaza la kulmayay weerarro is-dabo joog ah.
waxaa la dilay in ka badan kun qof, waxaa sidoo kale la dhaawacay in ka badan 10 kun oo qof, halka la xiray in la badan 16 kun oo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur.