Himilo – Haweeney u dhalatay dalka Thailand ayaa la kulantay xaalad naadir ah oo naxdin leh markii laf kalluun ay si lama filaan ah u istaagtay hungurigeeda, taas oo ugu dambeyn ka soo muuqatay maqaarka luqunteeda.
Seygeeda Suriyan Buppa-art ayaa bartiisa Facebook ku soo dhigay sawirro muujinaya qoorta xaaskiisa oo ay laf cad oo fiiqan ka soo baxday. Suriyan ayaa sheegay in warkan uu yahay digniin ku socota dadka jecel cunista kalluunka balse aan si taxaddar leh isaga hubinin lafta.
Xaaskiisa, oo lagu magacaabo Sang Lan, ayaa cuneysay maraq kalluun ah markay si kedis ah u liqday lafta. Waxay markiiba dareentay xannuun dhuunta ah, waxayna isku dayday inay lafta si dabiici ah isaga soo saarto iyadoo cunaysa bariis iyo rootiga oo ah hab dhaqameedyo dad badan isticmaalaan. Nasiib darro, laftii ma soo bixin, markaas ayay isbitaalka aadday. Raajo la saarayna wax lagama helin.
Inkasta oo xanuunku sii socday, Sang Lan iyo ninkeeda waxay u qaateen in lafta si dabiici ah u dhaaftay hunguriga, waxayna sii wateen noloshoodii caadiga ahayd. Muddo laba toddobaad ah kadib, qoorteedu way barartay, waxayna ka shakisay in cudur qanjirka tayroodhka ku dhaco uu hayo. Markale ayay isbitaalka tagtay.
Dhakhtarkii labaad wuxuu mar kale qaaday raajo, hase yeeshee wax laguma arkin. Waxaa loo qoray daawo xanuun baabi’iye ah iyadoo la faray inay guriga ku nasto. Intii ay guriga joogtay, markay isku diyaarinaysay inay qoorta mariso daawo xanuun baabi’iye ah, ayay dareentay wax adag oo hoosta maqaarka ka riixaya. Markii ay si tartiib ah u cadaadisay, lafta oo madaxeedu cad yahay ayaa ka mudday maqaarka qoorteeda.
Lamaanaha oo yaaban ayaa markii saddexaad isbitaalka ku laabtay. Dhakhaatiirta ayaa qalliin ku sameeyay Sang Lan waxayna ka saareen laf kalluun oo dhererkeedu yahay 2 cm. Kooxda dhakhaatiirta waxay sheegeen inaysan weligood arag laf kalluun oo gudaha qoorta qof kaga soo baxda.
Sang Lan waxay u sheegtay warbaahinta inay hadda ka dib iska ilaalin doonto cunista kalluunka muddo aysan cayimin, suurtagalna tahay inaysan mar dambe cuni doonin.