Himilo– Warbixin cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) iyo UNICEF ayaa muujisay in ku dhowaad 138 milyan oo carruur ah ay ku jiraan shaqo carruureed sanadkan 2024, iyadoo ku dhowaad 54 milyan oo kamid ah ay qabtaan shaqooyin khatar ku ah caafimaadkooda, badbaadooda, iyo korriinkooda.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in tiradan ay ka dhigan tahay hoos u dhac dhan in ka badan 20 milyan oo carruur ah marka loo eego xogtii la helay sanadkii 2020 — taas oo ka dhigan isbedel wanaagsan kadib koror cabsi leh oo dhacay intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2020.
Hase yeeshee, hammigii caalamiga ahaa ee lagu ciribtiray shaqada carruurta sanadka 2025 lama gaarin, sida lagu xusay warbixinta cinwaankeedu yahay:
“Shaqo Carruureed: Qiyaasaha Caalamiga ah 2024, isbeddelada iyo wadada hore”, taas oo la sii daayay hal maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Shaqo Carruureed iyo Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaarta Carruurta.
ILO iyo UNICEF waxay carrabka ku adkeeyeen in hoos u dhaca la diiwaan geliyay uu muujinayo rajada horumarka, laakiin ay weli jiraan caqabado waaweyn, iyadoo malaayiin carruur ah wali la’ yihiin fursado waxbarasho iyo nolol carruureed oo caadi ah.
Federico Blanco, oo ah khabiir ka tirsan ILO iyo qoraha warbixinta, ayaa yiri:
“Qiyaas walba waxay ka dambeyso ilmo xaqiisii waxbarasho, difaac iyo mustaqbal fiican laga xayuubiyay. Horumar baa jira, balse xawaaraha horumarku aad buu u gaabis yahay.”
Warbixintu waxay si gaar ah u muujisay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo xarumaha waxbarashada oo tayo leh, nidaamyo daryeel bulsho oo ballaaran, iyo shaqo sharaf leh oo loo helo waalidiinta, si dhab ahna loo jebiyo silsiladda saboolnimada iyo shaqada carruurta ee is dhal-dhalayda.
Tahirou Sanogo, oo 15 jir ah kana yimid gobolka Sikasso ee dalka Mali, ayaa horay u ahaa ilmo ka shaqayn jiray beeraha suufka iyo gaadiidka dadweynaha. Maanta wuxuu dhigtaa iskuul, waxna wuu akhriyaa, wuuna qoraa – taas oo uu uga mahadceliyay mashruuca ACCEL Africa ee ILO.
“Markii hore magaca ayaan is qorikarin. Hadda waan akhrin karaa, waan qori karaa, xitaa waxaan caawiyaa aabbahay marka uu waraaqo buuxinayo,” ayuu yiri Tahirou isagoo faraxsan.
ILO iyo UNICEF ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladaha, hay’adaha gargaarka, iyo bulshooyinka in ay iska kaashadaan xalka waara si loo hubiyo in carruurta adduunka ay helaan caruurnimo la mahadiyo – mid aan lagu lumin shaqo culus ama khataro nafsadeed.