Himilo – Labo sano kadib weerarkii Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza, dhulka Falastiiniyiinta ayaa noqday mid gabi ahaanba la dumiyey, waxaa dadka reer Gaza ku dhacay burbur bulsho iyo mid dhaqaale. In ka badan kala bar shacabka ayaa barakacay, xaafado dhan ayaa dhulka la simay, hay’adihii muhiimka ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashaduna waa burbureen.
Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay (UN) ayaa muujisay in dib u dhiska Gaza ay u baahan doonto lacag lagu qiyaasay $53 bilyan, iyadoo baahida degdegga ah saddexda sano ee ugu horreysa lagu qiyaasay $20 bilyan.
Qiimeyntu waxay muujisay in intii u dhexeysay Oktoobar 2023 ilaa Janaayo 2025, khasaaraha maaddiga ah uu gaaray $29.9 bilyan, halka khasaaraha dhaqaale iyo midka bulsho uu yahay $19.1 bilyan.
Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah uu dhaafayo xisaabaadkaas, isagoo sheegay in khasaarihii hore ee ka dhashay weerarrada uu ka badan yahay $70 bilyan, isla markaana uu dalbaday qorshe degdeg ah oo dib u dhis ah.
Guriyeynta – qaybta ugu burburka badan
Guryaha ayaa ah qaybta ugu badan ee burburay, iyadoo warbixintu sheegtay in $15.2 bilyan lagu qiyaasay kharashaadka lagu dhisayo, taasoo ah 30% guud ahaan baahida dib u dhiska. Saddexda sano ee ugu horreysa waxaa loo baahan yahay $3.7 bilyan si dadka loogu helo hoy iyo guryo ku-meelgaar ah, halka muddada fog lagu qiyaasay in $11.4 bilyan lagu dhisi doono guryaha la burburiyey.
UNRWA ayaa horay u sheegtay in 92% guryaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay Israa’iil burburisay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in 81,000 guri la waxyeeleeyay tan iyo Oktoobar 2023.
Burburka Caafimaadka
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in dib u dhiska caafimaadka Gaza uu u baahan doono in ka badan $7 bilyan, taas oo isugu jirta gurmad bini’aadantinimo, soo kabasho hore iyo dhisid waqti dheer ah.
Ciidanka Israa’iil ayaa fuliyey 778 weerar oo lagu beegsaday xarumo caafimaad, kuwaas oo waxyeelleeyay 34 isbitaal, 91 xarun caafimaad, iyo 210 ambalaas. In ka badan kala bar xarumaha caafimaadka Gaza ayaa shaqadii joojiyey, waxaana la dilay in ka badan 1,700 shaqaale caafimaad ah.
Burburka Waxbarashada
Warbixinta IRDNA waxay sheegtay in dib u dhiska waxbarashada uu u baahan doono $3.8 bilyan shan sano gudahood. Saddexda sano ee ugu horreysa, $2.6 bilyan ayaa loo baahan yahay si loo dhiso xarumo ku-meelgaar ah, sida teendhooyin iyo dhismayaal hore loo diyaariyey, loona bixiyo taageero nafsi ah oo carruurta ah.
UNESCO waxay sheegtay in ilaa 97% iskuullada Gaza ay waxyeeloobeen, halka 518 ka mid ah 564 ay u baahan yihiin dib u dhis buuxa. Tirakoobka Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in la dilay 17,237 oo arday iskuul ah, 1,271 oo arday jaamacadeed ah, iyo 967 macallin tan iyo bilowgii weerarka 2023.
Burburka Korontada – Gaza oo mugdi ah.
Warbixinta IRDNA waxay sheegtay in qaybta tamarta ay u baahan tahay $365 milyan muddo gaaban si loo helo shidaal maalinle ah oo gaaraya 322,000 litir si loo wado shaqada isbitaallada, biyaha iyo wax-soo-saarka cuntada.
Muddada fog, baahida ayaa kor u kacaysa ilaa $1.1 bilyan, si dib loogu soo celiyo danabka korontada, loo sameeyo 67 MW oo qorraxda laga dhaliyo.
Biyaha iyo fayadhowrka
Tan iyo 7-da Oktoobar 2023, Israa’iil waxay burburisay xarumo biyo nadiifin, dhuumo iyo nidaamyo bulaacadeed. Warbixintu waxay sheegtay in soo celinta adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ay u baahan yihiin $2.7 bilyan, iyadoo $664 milyan lagu bilaabayo adeegyo degdeg ah oo biyo iyo nadaafad ah.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 89% ka mid ah kaabayaashii biyaha iyo fayadhowrka Gaza la burburiyey, taasoo sababtay in in ka badan 90% qoysaska ay biyo la’aan yihiin.
Dhaxalka iyo dhaqanka – khasaaraha aamusan
Qaybta dhaxalka dhaqanka ayaa sidoo kale si weyn u burburtay, iyadoo 53% goobaha taariikhiga ah la burburiyey, laguna qiyaasay khasaaro dhan $120 milyan.
Caqabadaha dib u dhiska
Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee dib u dhiska ay yihiin qarraxyada aan wali qarxin, maydadka ku hoos jira burburka, iyo xannibaadda Israa’iil ee qalabka dhismaha.
Mamoun Besaiso, oo ah lataliye u shaqeeya UN-ka, ayaa sheegay in “30% bambooyinka aysan weli qarxin,” taas oo khatar weyn ku ah dadka. Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil aysan oggolayn in hal bac oo sibidh ah la geeyo gudaha Gaza “ilaa ay oggolaato,” taasoo dib u dhigaysa dhismaha muddo tobanaan sano ah.
Yaa dib u dhisi doona Gaza?
Khabiiradu waxay sheegeen in hay’adaha deeqaha bixiya ay ka labalabeynayaan maalgelinta Gaza maadaama aysan jirin xal siyaasadeed oo joogto ah. Midowga Yurub ayaa diiday inuu lacagta siiyo Bangiga Adduunka, isagoo doortay inuu si toos ah u maamulo deeqihiisa.
Besaiso ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi ku-meelgaar ah oo loo yaqaan “Community Coordination Committee”, si uu u maamulo dib u dhiska Gaza, balse wuxuu carrabka ku dhuftay in arrintan aan la fulin karin ilaa Israa’iil gabi ahaanba ka baxdo Gaza.