Himilo – Diblomaasiyiin iyo wasiirro ka tirsan Israa’iil ayaa si adag u cambaareeyay doorashada Zohran Mamdani oo noqday duqa cusub ee magaalada New York, iyagoo ku eedeeyay inuu taageero u yahay Xamaas. Waxay Yahuudda ku nool magaaladaas ku booriyeen inay u guuraan Israa’iil.
Mamdani, oo u tartamay xilka duqa magaalada New York isagoo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa Talaadadii la doortay, taasoo ka dhigtay Muslimkii iyo Koonfur Aasiyaankii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa magaaladaas.
Wasiirka Arrimaha Qurbajoogta ee Israa’iil, Amichai Chikli, oo ka tirsan xisbiga Likud ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in “magaaladii astaan u ahayd xorriyadda dunida” ay “furayaasha u dhiibtay taageere Xamaas ah.”
Chikli wuxuu ku tilmaamay guusha Mamdani “isbedel taariikhi ah oo khatar ah” oo ku yimid magaalada New York, taas oo uu sheegay in muddo qarni ka badan ahayd xarunta ugu weyn ee bulshada Yuhuudda dibadda Israa’iil ku nool.
“Waxaan ugu baaqayaa Yuhuudda New York inay si dhab ah uga fiirsadaan go’aan ay ku degaan dhulka Israa’iil,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Itamar Ben-Gvir, wasiirka ammaanka ayaa sheegay in doorashada Mamdani ay tahay “guul u soo hoyatay nacaybka Yuhuudda,” isagoo ku tilmaamay duqa cusub “taageere Xamaas, nacas Israa’iil iyo nacayb-Yuhuud ah.”
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa isna weeraray Mamdani, isagoo ku eedeeyay hadallo “kicin ah,”.
Isagoo la hadlayay idaacadda maxalliga ah ee 103 FM, Danon wuxuu sheegay in doorashada Mamdani “ay halis gelin karto dareenka amni ee bulshada Yuhuudda,” maadaama uu duqa magaalada si toos ah uga masuul yahay booliska.
Dhankiisa, Zohran Mamdani ayaa inta lagu jiray ololihiisa doorashada sheegay in haddii Netanyahu uu yimaado New York, uu amri doono booliska magaalada inay xiraan, isagoo ku salaynaya amar maxkamadeed oo ay soo saaray Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee la xiriira dambiyada dagaal ee Gaza.
Si kastaba ha ahaatee, Mamdani ayaa si cad u diiday eedeymaha nacaybka Yuhuudda, isagoo sheegay in “magaalada New York aysan meelna uga bannaanayn nacaybka diimeed.”
“Waxaan mar kasta ku celinayay in aanu sinaba u aqbalayn nacaybka Yuhuudda, waana arrin aan si shaqsi ah u aaminsanahay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo in xarunta maamulka magaalada “ay garab istaagto bulshada Yuhuudda ee New York, islamarkaana si adag ula dagaallanto cunsuriyadda iyo nacaybka.”
Zohran Mamdani, oo helay in ka badan 50% codadka iyadoo 91% la tiriyay, ayaa taageero ballaaran ka helay kooxo kala duwan oo bulshada ka tirsan, oo ay ku jiraan Yuhuudda diidan siyaasadda xukuumadda Netanyahu, gaar ahaan muddadii labada sano ee dagaalka ba’an ee Israa’iil ku haysay marinka Gaza.
Radio Himilo
