Weerarada cirka ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 34 qof ku dilay marinka Gaza, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka maanta, iyadoo duqeymaha ay kusii socdaan magaalada gaajada iyo cudurradu la daashadeen ee Gaza.
Isbitaalka Shifa, halkaas oo inta badan meydadka la geeyay, ayaa sheegay in 14 qof lagu dilay weerar habeenimo Sabtidii ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaalla koonfurta magaalada. Shaqaale caafimaad ayaa sheegay in kalkaaliye caafimaad oo isbitaalka ka shaqeyn jiray, xaaskiisa iyo saddex caruurtiisa ah ay ku dhinteen weerarkaasi.
Hawlgalka cusub ee Israa’iil, ayaa sii hurinaya colaadda gobolka Bariga Dhexe, isla markaana yareynaya rajada xabbad-joojinta. Militariga Israa’iil oo ku andacoonaya in ay doonayaan inay “bur-buriyaan awoodda milatari ee Xamaas” ayaa ugu baaqay Falastiiniyiinta in ay ka baxaan magaalada, hase yeeshee ma aysan cayimin muddada hawlgalku socon doono, iyadoo lagu wado inuu bilooyin qaato.
Kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxayay Gaza inkastoo dad badan ay ka gaabsadeen inay mar kale barakacaan, halka kuwo kale aysan awoodin kharashaadka socdaalka ama caafimaad ahaan aysan u adkeysan karin.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in barakicinta khasabka ah ee tobannaan kun oo qof ay ka sii dari doonto xaaladda bani’aadamnimo ee daran, iyagoo ku baaqay xabbad-joojin si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo dadka u baahan.
Dhanka kale, qoysaska maxaabiistooda wali ay gacanta ugu jiraan Xamaas ayaa sidoo kale ku baaqay xabbad-joojin, iyagoo ku eedeeyay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu khatar gelinayo nolosha qaraabadooda isagoo sii wadda dagaalka halkii uu wadahadal nabadeed ku dhammayn lahaa.