Home / Arrimaha Bulshada / Israel oo markii ugu horeyse qiratay dilka Haniya

Israel oo markii ugu horeyse qiratay dilka Haniya

Himilo- Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa markii ugu horreysay qirtay in Israa’iil ay bishii July ku dishay Tehran hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Israel Katz ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu wacad ku maray inay beegsan doonto madaxda dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaasoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacaya Israa’iil.

“Sida aan ku samaynay Haniyeh, [Yahya] Sinwar, iyo [Xasan] Nasrallah ee Tehraan, Gaza, iyo Lubnaan, waxaanu sidaas ku samayn doonaa Xudeyda iyo Sanca,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeday hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas oo dhamaantood la dilay sanadkan.

Haniyeh, oo 62 jir ah, ayaa si weyn loogu tixgalin jiray hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay wada xaajoodyadii lagu doonayay in xabad joojin laga gaaro marinka Qaza.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan