Home / Cayaaro / Jerome Boateng oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha

Jerome Boateng oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha

Himilo – Daaficii hore ee Jarmalka Jerome Boateng, oo ku guuleystay Koobka Adduunka 2014, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha Jimcihii.

37 jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa muuqaal daqiiqad ah soo galiyay bartiisa bulshada Jimcihii, isagoo macsalaameeyay ciyaaraha.

“Waxaan u soo ciyaaray waqti dheer, kooxo waaweyn, iyo wadankeyga. Waan bartay, guuleystay, qasaaray, waana ku koray dhammaan,” Boateng ayaa ku yiri muuqaal la soo galiyay Instagram-ka kaasoo ay ku jiraan waxyaabo muhiim ah oo xirfaddiisa ah.

“Kubadda cagtu wax badan ayay i siisay, hadda waa waqtigii aan hore u socon lahaa.

“Waxaan u mahadcelinayaa kooxaha, taageerayaasha, dadka i taageeray, iyo qof walba, qoyskayga, carruurtayda. Had iyo jeer way ila joogeen.”

Daafaca ayaa u ciyaaray Germany 76 jeer isaga oo dhaliyay hal gool.

Boateng waxa uu Bayern Munich kula guuleystay laba koob oo Champions League ah, 2013 iyo 2020, iyo sidoo kale sagaal koob oo Bundesliga ah.

Wuxuu ku dhashay Berlin, Boateng wuxuu soo maray akadeemiyadda Hertha Berlin oo uu weheliyo walaalkii Kevin-Prince.

Kadib waqtiyo kooban oo uu ku soo qaatay Hamburg iyo Manchester City, Jerome Boateng ayaa u dhaqaaqay Bayern.

Tan iyo markii uu ka tagay Bayern 2021, Boateng wuxuu ku soo wareegay kooxo dhowr ah, isagoo u soo ciyaaray Lyon Faransiiska, Salernitana Talyaaniga iyo LASK oo Austria ka dhisan.

Waxa uu joojiyay heshiiskii uu LASK kula jiray bartamihii Agoosto.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan