Home / Cayaaro / Kabtanka Man United oo wadahadalo kula jira Inter Milan

Kabtanka Man United oo wadahadalo kula jira Inter Milan

Himilo – Ashley Young ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo kula jiro kooxda Inter Milan si uu ugu saxiixo heshiis muddo 18 billood ah iyadoo uu dhacayo qandaraaska uu kula joogo Man United.

Ciyaaryahanka ayaan wali la furan wadahadal ku saabsan heshiis cusub kooxdiisa ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

Marka la eego Sky Sports News, Inter ayaa u bandhigi doonta Young heshiis muddo 18 billood ah oo uu ku joogayo garoonka San Siro.

Ma cadda in United u oggolaan doonto Young in uu ku biiro kooxda uu hoggaamiyo tababare Antonio Conte.

Kooxda Red Devils ayaa leh taariikh heshiisyo oo kala dhaxeysa Inter oo ka qaadatay ciyaaryahanada Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan