Himilo – Dunida waxaa sii kordhaya dadka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya xanuunka dilaagga ah ee Covid-19, iyada uu ku dhacay dad ka badan 76 milyan oo ruux halka ay u dhinteen 1.7 milyan oo kale.
Wadamada korarka laga dareemayo waxaa ka mid ah Soomaaliya oo feyruska ay qaadeen 4,662 oo ruux, tiradaasi oo seddax cisho kahor ahayd 4,579, taasoo ka dhigan in 83 qof uu ku dhacay Covid-19, waxaana u geeriyootay 124, sida ay baahisay jaamacadda Johns Hopkins.
Mareykanka oo ku jira kaalinta koowaad, waxaa uu u dhacay cudurka dad ka badan 17-milyan oo qof, halka ay u dhinteen 317,684, iyadoo maalinkii la diiwaan galiyo 200,257 ruux. India oo covid-19 uu fara ba’an ku hayo waxaa laga soo wariyay kiisas ka badan toban milyan waxaana u geeriyooday 145,810.
Inkastoo kiisaska lasoo warinayay ayaamahan ay mujinayeen hoos u dhac haddana wali India dadka qaadaya coronavirus mayara waxaa maalinkii la diiwaan galiyaa in ka badan 24-kun oo kiisas cusub ah.
Wadamada Brazil, Ruushka, Britain, Talyaaniga, Spain iyo Argentina ayaa ku jira kaalmaha xiga, taasi ay muujineysa in Yurub uu wali fara ba’an ku hayo Covid-19. Walaacaasi la qabo waxaa sii kordhiyay feyruska cusub ee todobaadkan laga helay UK, kaas oo horseeday in dalkaasi la galiyo go’doon.
Radio Himilo
