Home / Arrimaha Bulshada / Koonfur Kuuriya: Dhaqaale xumo sababtay inay xirmaan in ka badan 1 milyan ganacsi

Koonfur Kuuriya: Dhaqaale xumo sababtay inay xirmaan in ka badan 1 milyan ganacsi

Himilo – Warbixin ay daabacday wakaaladda Yonhap ee fadhigeedu yahay Seoul ayaa lagu sheegay in in ka badan 1 milyan oo mulkiilayaal ganacsi ah ay albaabada isugu dhufteen goobahooda ganacsi gudaha Koonfur Kuuriya sanadkii 2024, taasoo ah markii ugu horreysay taariikhda dalka.

Xogta rasmiga ah ee laga helay Hay’adda Canshuuraha Qaranka ayaa muujisay in 1,008,282 ganacsi oo ay ku jireen kuwa shaqsiyeed iyo shirkado ay iska diiwaangeliyeen xiritaanka ganacsigooda, taasoo koror ah 21,795 marka loo eego sanadkii 2023.

Kala bar ganacsiyada xirmay waxay ka tirsanaayeen suuqyada tafaariiqda iyo makhaayadaha. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee tirada ganacsiyada la xiro ay ka sare marto 1 milyan tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta sanadkii 1995.

Sida laga soo xigtay khubaro dhaqaale, sababaha ugu waaweyn ee horseeday hoos u dhaca waxaa kamid ah saameynta daba dheeraatay ee uu sababay COVID-19, sicir bararka, iyo heerarka ribada oo sare u kacay, taasoo hoos u dhigtay dakhliga dhabta ah ee shacabka.

Cilmibaaraha dhaqaalaha ee Kim Kwang-seok ayaa sheegay in sicir bararka iyo ribada sare ay si toos ah u yareeyeen awoodda wax iibsiga ee dadweynaha, taasoo si gaar ah u saameysay ganacsiyada tafaariiqda iyo makhaayadaha.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan