Himilo – Cabdimuncin Maxamed oo 79 jir ah wuxuu yaraantiisii jeclaa kubadda uuna ka daawan jiray televeshinka cayaaraha koobka adduunka. Xilli uu dhiganaayay fasalka lixaad ee dugsiga hoose ayuu bilaabay cayaarista kubadda cagta.
Ninkan ayaa u soo cayaaray naadiyo kala duwan oo ka dhisan dalalka carabta, gaar ahaan dalkiisa Urdun.
“Waxaan xubin ka ahaa xulka qaranka Urdun, waxaana fursad u helay inaan ka ciyaaro dalal kala duwan sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Masar.” ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay inuu u soo cayaaray Naadiga Al Ahli muddo ku siman 12 sanno, duruufaha nololeed ee qoyskiisa oo ku adkaaday awgeed iyo yaraanta mushaarkii uu qaadan jiray ayaa ku qasabtay inuu kubadda iyo waxbarashada ba isaga haro si uu u raadiyo il dhaqaale.
“Aniga ayaa ahaa qofka kaliya ee awooday inuu qoyskeyga masruufo, maanta, waxaan lugeeyaa masaafooyin dhaadheer anigoo raadinaya wax aan quuto. Waxaan tagaa suuqyada, meelaha haamaha qashinka lagu shubo, iyo goobo lagu ururiyo qashinka, si aan uga faa’iideysto waxyaabaha la dayacay sida bacaha. Waan soo ururiyaa, kala soocaa, kadibna si habboon ayaan u iib geeyaa si aan nolol ugu helo aniga iyo qoyskeyga.” Ayuu raaciyay hadalkiisa.
Saddexdii bil ba mar ayuu helaa 48 dollar, taas oo ah mid aan ku filneyn nolol ahaan.
“Lacagta aan ka helo shaqadan adag waxaan u adeegsadaa in aan ku daryeelo walaashey oo la daalaa-dhaceysa cudurka kansarka. Aniga iyo qoyskayguba waxaan ku noolnahay duruufo adag oo nolol-xumo , xitaa fikradda guurku ma soo galin maskaxdayda sababta oo ah waxaan ku suganahay xaalad aan waxba la haynin.
Sawirkayga kaliya wuxuu ku yaal gidaarka guriga – ma lihi sawirro kale oo aan xasuus ahaan u hayo. Runtii, waxaa la I siin jiray bilado iyo abaalmarinno markii aan ciyaarayay, balse ma haysan meel aan ku keydiyo. Sidaas darteed, marar badan waxaan u dhiibi jiray dadka kale. Ayuu yiri.
Cabdimuncin ayaa xusay in nolosha ay maanta ku sugan yihiin ay tahay mid liidata — waxyaabaha asaasiga u ah nolosha ee dadku caadiga u haystaan ayuu tilmaamay in aysan heysan sida, gaas-ka cuntada lagu karsado, qaboojiye, qasaalad uu dharka ku dhaqdo iyo in kale oo howlaha fududeeya.
“Kubadda cagta kaliya waxay dhistay, jirkayga iyo maskaxdeydaba. Waxay iga caawisay in aan helo xoogaa nolol ah iyo xasilooni nafeed.
Weli rajo ayaan qabaa. Waxaan rabaa in aan sii shaqeeyo — waayo shaqo la’aantu waa mid aan la aqbali karin. Hadafkaygu waa in aan mar kale ku laabto tababarka kubadda cagta, waxaana leeyahay awood iyo niyad aan taas ku gaari karo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday.
Waa mid dhacda In la dayaco dadka qaramadooda kaalin wax ku ool ah u galay ayna helin badi garab istaagii ay mudnaayeen, kaliyana ma ahan Cabdimuncin kuwa lagu dayacay duruufaha nololeed ee ku geedaaman.