Home / Cayaaro / Lia Walti oo ka tagtay kooxda Arsenal kuna biiray Juventus

Lia Walti oo ka tagtay kooxda Arsenal kuna biiray Juventus

Kabtanka xulka Switzerland Lia Walti ayaa ka tagtay Arsenal kadib 7 sano oo ay joogtay kooxda, waxa ay heshiis labo sano ah u saxiixday kooxda reer Talyaani ee Juventus.

32-jirtan ayaa hal sano uga haray qandaraaskeeda waqooyiga London waxayna sheegtay inuu ahaa “mid ka mid ah go’aamadii ugu adkaa ee ay abid qaadato”.

Walti ayaa xagaagii 2018 ka soo tagtay Turbine Potsdam, waxayna u safatay 183 kulan Gunners, iyadoo kula guuleystay horyaalka Haweenka ee Women’s Super League, laba League Cups iyo Champions League.

Waxay u sheegtay website-ka rasmiga ah ee Juventus: “Waan ku faraxsanahay, waxay ii tahay tallaabo weyn ka dib markii aan ka tagay meel aan waqti badan ku qaatay.

“Mar walba waxaan raacayaa Haweenka Juventus, waan garanayaa qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda, waa tartan cusub, runtiina aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo.”

Waxay qeyb ka ahayd kooxdii ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore, inkastoo ciyaaryahanada khadka dhexe ay ahayd bedel aan la isticmaalin guushii ugu dambeysay ee ay ka gaareen Barcelona.

Walti waxa ay u safatay in ka badan 100 ciyaarood oo caalami ah,waxana ay kabtan u ahayd Switzerland  koobka  European Championship ee xagaagan dalkooda ka dhacay.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan