Himilo – Lionel Messi ayaa weli ah gooldhaliyaha Barcelona ee sanadka 2021, inkastoo uu xagaagii u dhaqaaqay PSG.
Messi qandaraaskiisu waxa uu dhacay bishii June, inkastoo Barca ay isku dayday inay sii haysato adeegiisa, dhaqaala xumada ayaa keentay in xiddiga reer Argentina uu hore u sii socdo.
Ma jiro ciyaaryahan Barcelona ah oo ku dhawaaday 28 gool oo saaxir ah oo uu Messi u dhaliyay Barcelona sanadkan gudihiisa.
Antoine Griezmann, oo sidoo kale xagaagii tagay, ayaa ugu dhawaa goolashaas ka dib markii uu shabaqa soo taabtay 15 jeer ka hor inta uusan u dhaqaaqin Atletico Madrid.
Halka Memphis Depay uu yahay ciyaaryahanka haatan Barca u ciyaara ee ku soo dhawaaday goolasha Messi oo leh sideed gool.
La yaab ma leh, Barcelona ayaa la dhibtoonaysay iyadoo uu weeraryahankeedii hore hogaaminayay weerarka.
Blaugrana ayaa hadda ku jirta kaalinta toddobaad, iyadoo ka baxsan boosaska Yurub, kooxda Xavi ayaa 18 dhibcood ka hooseysa hogaamiyayaasha horyaalka iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.
Goolasha aad ayay u adkeyd in la gaaro marka loo eego heerarkooda sare ee caadiga ah, Barca ayaa kaliya dhalisay 29 gool 18 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.
Kooxda Xavi ayaa sidoo kale ku fashilantay Yurub, Barcelona ayaana awoodi wayday inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League.
Messi ayaa sidoo kale ku dhibtooday France, 34 jirkaan ayaa dhaliyay hal gool 11 kulan oo uu saftay Ligue 1.
Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa badbaadiyay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa Yurub, waxaana uu shan ka mid ah dhaliyay shantii gool, oo uu ku jiro hal gool oo xusuus ah oo uu ka dhaliyay Manchester City.
 Radio Himilo
Radio Himilo 
				 
 
		

 
											 
											