Home / Cayaaro / Liverpool oo damaceedu yahay inay soo xero galiso Minamino

Liverpool oo damaceedu yahay inay soo xero galiso Minamino

Himilo- Tababaraha Liverpool Jürgen Klopp ayaa laga yaabaa inuu weerar ku qaado Red Bull Salzburg bisha Janaayo ka dib markii uu isha ka qaaday Takumi Minamino xilli ciyaareedkan Champions League.

Klopp ayaa diyaar u ah inuu xoojiyo kooxdiisa maadama ay ku guuleysteen badiba hada horyaal iyada oo ay Horboodayaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane dookhooda koowaad.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa wacdaro ka dhigay labadii kulan ee ay Champions League la ciyaareen xilli ciyaareedkan Liverpool, isagoo ku dhaliyay gool Anfield.

24 jirkan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 7.25 milyan ginni , kaasoo soo jiitay kooxo badan oo ka dhisan Premier League, Bundesliga iyo Serie A, sidaasi darteed Reds ayaa dardargelinaysa xiisahooda.

Minamino, oo 11 gool u dhaliyay Japan 22 kulan oo uu u saftay, ayaa sidoo kale shabaqa ka soo taabtay Genk, waxaana uu 7 kale ka heystaa horyaalka iyo koobka kale ee  Austria xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sagaal tartamada oo dhan ilaa iyo haatan.

Wuxuu RB Salzburg kaga soo biiray kooxda reer Japan Cerezo Osaka wax ka yar 1 milyan ginni sanadkii 2015.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan