Home / Macluumaad / London: Shirkadaha oo qado lacag la’aan ah ku soo jiidanaya shaqaalahooda

London: Shirkadaha oo qado lacag la’aan ah ku soo jiidanaya shaqaalahooda

Himilo – Taniyo markii safmareenka Karoona uu dunida aafeeyay waxaa fasax dani keentay ah galay shaqaalaha taas oo naafeysay wax soo saarkii aadanaha ee maalinlaha ahaa.

Weli cudurka COVID-19 waa halis taagan balse shirkadaha ganacsiga ee ka hawl gala magaalada London waxay wadaan qorshe ay shaqaalahooda dib ugu soo celinayaan xafiisyada.

Balse hawl wadeennada waxay la qabsadeen ka shaqaynta guryaha sidaas darteed waxay door bidayaan inay hawshooda ka sii wataan guryaha bedelkii tagidda goobahooda shaqada.

Qaar ka mid ah shirkada waa weyn ee fadhigoodu yahay London waxay billaabeen waxyaabo ay ku soo jiidanayaan inay shaqaaluhu ku soo noqdaan xafiisyada shaqada ee mudada ay ka maqnaayeen.

Waxaa shaqaalaha lagu wargeliyay in wakhtigooda shaqada xafiiska la soo koobayo, sidoo kale hawl wadeenada xafiiska taga waxay heli doonaan qado lacag la’aan ah iyo adeegyo kale.

Iyadoo uu jiro wejiga saddexaad ee safmareenka Karoona waxaa la filayaa in 70-80% shaqaalaha ay ku soo laaban doonaan xafiisyada shaqada bilaha soo aadan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan