Himilo – Maahmaahdu waa qeyb kamid ah suugaanta Soomaalidu waxay wax isugu sheegeen, waxaan inta badan la adeegsadaa marka gar laysku dhiganayo. hadabda halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa maahmaahda nabada ku saabsan.
–Aan wadahadalno waa aan heshiino
-Nabadi waa geel xeradii iyo rag gogoshii
-Rag goboshiis waa nabad
-Nabadaa naas la nuugo leh
-Af-xumo nabadna waa kaa geysaa colaadna waxkaagama tarto.
-Gogoshaada nabad ayay kugu deeqdaa
-Nabad doon oo cuqaal iyo culimo u dir
-Nabad baa caano macaan
-Nabadi waa sahaydaada oo xusulada ku sidatid
-Ninkii laga nabad galaa nabad gala
-inta badadi jirtaa ninba laba nin la’egyahay.
-Nabad la’aani waa nolol la’aan
Radio Himilo
