Himilo – Khudbadaha naceybka oo afka qalaad lagu yiraahdo (Hate Speech) waa hadallo meel ka dhac ah oo lagu bartilmaameedsado koox ama shaqsi gaar ah, iyadoo lagu beegsanayo sifooyin gaar ah sida isirka, diinta, asalka ay kasoo jeedaan, tilmaan gaar ah oo ay leeyihiin, jinsiyaddooda ama jinsiga uu qofku yahay, kuwaas oo khatar gelin kara nabadooda iyo jiritaankooda.
Hadallada nacaybka waxaa soo hoos gali karaa nooc kasta oo oraah, dhaqdhaqaaq, ama dhaqan ah oo loogu hanjabayo, lagu aflagaadeynayo, ama fikrad qaldan loogu gudbinayo qof ama koox gaar ah, iyadoo ujeedku yahay in la qadfo, la quursado, la dhimo sharafkooda iyo jiritaankooda, ama lagu abuuro rabshado ama takoor ka dhan ah dadkaasi loo dan leeyahay.
Diinteenna islaamka oo ah diin nabad-galyo iyo caddaalad ku dhisan ayaa si kasta uga hortagtay hadallada xanbaarsan naceybka iyo kala fogeynta bulshada, waxey boorisay isa saamaxa iyo hadal wanaaga, axaadiis laga wariyay NNKH iyo aayado Quraan ayaa tilmaamaya; waxaana kamid ah Aayadda 83 ee Suuratul Al-baqra oo si cad u tilmaameysa in hadal iyo oraah wanaagsan dadka lagula hadlo.
Inkastoo uusan jirin qeexitaan dhammeystiran oo ku saabsan khudbadaha naceybka ah marka loo eego Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, haddane qodobada 19 & 20 ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda oo ka hadlaya ‘Xorriyadda Hadalka’ lifaaqyada la raaciyo waxa kamid ah iney muhiim tahay “Ixtiraamka xuquuqda dadka kale iyo sumcaddooda.” Iyo iney reebban tahay “Dacaayad kasta oo dagaal dhalin karta,” taasoo lagu daray iney mamnuuc yihiin “Doodaha abuuraya diin iyo isir naceybka, kobcinayana takoorka iyo colaadda wadata rabshadaha.”
Maxey yihiin Khudbadaha Naceybka oo ay Siyaasiyiintu Isticmaalaan?
Cilmibaare Xasan Cabdi Xasan oo darajada labaad ee waxbarashada ka diyaariyay Xiriirka Caalamiga ah iyo Daraasaadka Afrika ayaa ku sheegay ‘Khudbadaha Naceybka’ iney yihiin hadallo xanaf leh oo lala beegsado koox ama shaqsi loo aaneynayo astaamo gaar ah oo ay leeyihiin sida Isirka, Diinta iyo jinsiga. Wuxuu xusay iney qeyb ka yihiin weeraha dhiirrageliya ama taageera naceybka mutaxan.
Mr Xasan ayaa sheegay in siyaasiyiintu aad u isticmaalaan khudbadaha kicinaya dareenka qabyaaladeed marka ay rabaan iney danahooda meel-marsadaan, si shakhsiyaadka, kooxaha iyo reeraha ay is hayaan loogu isticmaalo weero xanaf leh, af-lagaaddo iyo hadallo takoor xambaarsan.
“Mararka qaar waxey gaartaa in reero dhan lagu eedeeyo Qaran Dumis ka soo horjeeda horumarka bulshada, mararka qaarna waxaa lagu beegsadaa muuqaalka iyo shakhsiyadda qof gaar ah oo sidii laga rabay laga waayay. Khatarta ugu badan ee hadallada nacaybka ah waxa ay tahay in ay dhaawacaan nabadda bulshada, ayna dhiirrigeliyaan in guluf, qalalaase iyo xadgudub loo gaysto dhinacyada bulshada ee lagu beegsanayo hadalladaas nacaybka ah.”
Wuxuu intaas raaciyay “Soomaaliya marka la joogo khudbadaha naceybku waxey kamid yihiin hadallada caadiga ah oo aan loo arkeyn khatar bulsho. Tani waxey ku tuseysaa in wacyiga bulshadu uu aad u hooseeyo. Mararka ay jiraan xasaradaha siyaasadeed, waxaa aad u soo kordha adeegsigooda, sidaas awgeed, ogaalka bulshada ee xumaanta iyo natiijooyinka ka dhasha hadallada nacaybka waa mid liita. Tusaale: Waxaa si qayaxan loogu beegsadaa beelaha qaar iyo qaybo kamid ah bulshada nugul sida haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah. Adeegsiga baraha bulshada, sidoo kale waxa uu fududeeyay in hadallada nacaybka ah ay si xad-dhaaf ah u baahaan oo la waayo cid qofka siyaasiga ah ee bulshada la hadlaya tifaftir ku sameeysa. Waa in ceeb loo arkaa qofka ku awr-kacsanaya hadallada nacaybka huwan isaga oo dano siyaasadeed ama mid shakhsi raadinaya.”
Cilmibaare Xasan ayaa sheegay in dalalka caalamka ay khudbadaha naceybka uga degan yihiin siyaasado iyo shuruuc gaara oo lagu yareynayo ama looga hortagayo, islamarkaana qofka lagu helaa inuu ku kacayna lagu ridayo ganaax adag ama xabsi, haddii loo arko hadalladiisu iney abuureen qalalaase iyo rabshado waxyeelleysa nabadda iyo amniga dadweynaha.
Sidee looga hortagi karaa khudbadaha naceybka?
Mr Xasan ayaa tilmaamay in siyaabaha ugu habboon ee looga hartago khudbadaha naceybka ah oo badi siyaasiyiinta soomaaliyeed caadeysteen ay ugu horreyso wacyigelin loo sammeeyo dadweynaha, iyadoo meesha laga saarayo hab-fikirka ay bulshadeennu caadi ugu aragto. Wuxuu iftiimiyay in mararka qaar siyaasiyiintu ka tahay cadkaaga ku dhacso, balse taas baddelkeeda ay horseedi karaan colaad bulsho iyo kala-irdhow cusub oo ay bulshadu ku kala fogaato. “Sideedaba bulshooyinka ay ku badan yihiin hadallada nacaybka huwan waa bulshooyin buka, kala qoqoban oo is neceb,” ayuu warkiisa sii raaciyay.
“La-dagaallanka iyo yareynta khudbadaha naceybka ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed adeegsadaan waxa aasaas u ah is-ixtiraam bulsho oo hana qaada, sharciga oo ilaaliya sharafka muwaadinka iyo ka-hortagga been-abuurka, iyadoo ay xusid mudan tahay in si taxaddar leh la isugu dheellitiro dadaallada la dagaallanka hadallada nacaybka ah iyo ilaalinta xorriyadda hadalka qofka si aysan u dhicin in qofka xorriyaddiisa hadalka laga qaado iyadoo loo aanaynayo in uu la yimid hadallada nacayb ah, dhanka kalane waa in qofka la yimid uusan cudurdaar helin,” ayuu yiri Mr Xasan.
Cilmibaare Xasan Cabdi Xasan ayaa ugu danbeyn sheegay in ciribtirka khudbadaha naceybka ahi qeyb weyn ku leeyihiin dhinacyadaan hoos ku xusan:
- Garsoorka Dalka oo looga fadhiyo inuu mudnaan siiyo kiisaska la xiriira qadafka iyo meel ka dhaca sharafka qofka;
- Saxaafadda oo looga fadhiyo iney ka fiirsadaan oo aysan soo gudbin aragtiyada siyaasiyiinta iyo dadka fidinaya hadallada naceybka ah. Warbaahintii soo gudbisaa hadallo naceyb huwanna lagula xisaabtamo.
- Haldoorka Bulshada oo garwadeen ka noqda maareynta doodaha loollanka ku saleysan iyo khudbadaha naceybka ee siyaasadda dhexdeeda ka dhaca.
- Aqoonyahannada oo la dagaalama siyaasigii iyo qofkii bulshada la dhex yimaadaa hadallo ku lug yeelan kara kicin dadweyne, naceyb iyo kala fogeyn.
Waxa diyaariyay: Ismail Mohamed Samatar