Himilo – Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Madagascar ayaa ku baaqay in bannaanbaxyada nabadeed la sii wado inkastoo madaxweynaha dalkaasi Andrey Rojoelina Jimcihii shaqada ka eryay wasiirkii tamarta, si loo dejiyo kacdoonnada ka dhashay koronto la’aanta iyo biyo la’aanta soo noqnoqday.
Dalka jasiiradda ah ee ku yaalla Badweynta Hindiya ayaa waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday mudaharaadyo rabshado wata oo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, iyadoo boolisku adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta caagga ah.
Magaalada caasimadda ah ee Antananarivo waxaa ka dhacay boob baahsan, iyadoo goobaha ganacsiga la dhacay. Haweeney ka shaqeysa maqaaxi ayaa sheegtay in subaxnimadii Jimcaha ay weli halkaasi joogeen burcadda hubeysan, kuwaas oo dadka ku hanjabay in ay dili doonaan haddii ay dhaqaaqaan.
Mudaharaadyada waxaa hoggaaminaya arday iyo dhalinyaro shaqaale ah oo ka careysan adeegyada daciifka ah. “Waxaan maalin kasta la kulannaa in korontadu go’do 12 saacadood. Ardayda Ankatso wax ma baran muddo bil ah,” ayuu yiri arday la yiraahdo Lala Herizo.
Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka in ay cadaadis saarayaan shacabka halkii ay ka difaaci lahaayeen tuugada dhacdooyinka geysanaya. Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa bilaabay in ay nadiifiyaan burburka magaalada, iyagoo sheegay in ay taageerayaan bannaanbaxyada nabadda ku saleysan inkastoo ay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay boobka.
Madaxweyne Rojoelina ayaa bannaanbaxyada ku tilmaamay “falal lagu carqaladeynayo dalka” iyo “isku day afgambi,” balse wuxuu sheegay in dowladdu ay raadinayso xal waara oo ku saabsan koronto la’aanta.
Maamulka ayaa ku dhowaaqay bandow habeenkii ah, balse waxaa la filayaa in dibadbaxyadu ay sii socdaan maalmaha soo socda.