Home / Cayaaro / Manuel Neuer oo noqday xidigii 4aad ee taariikhda ku guuleysta 100 kulan oo Champions League ah

Manuel Neuer oo noqday xidigii 4aad ee taariikhda ku guuleysta 100 kulan oo Champions League ah

Himilo – Bayern Munich ayaa 3-1 kaga badisay Chelsea tartanka Champions League, waxayna ahayd ciyaar taariikhi ah, sababtoo ah tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee koox ay guul darro u geysato naadi ah world champions. Waxa ay sidoo kale ahayd mid qaas u ah kabtan Manuel Neuer, kaasoo noqday ciyaaryahankii afaraad ee abid ku guuleysta 100 kulan oo Champions League ah.

Neuer waxa uu heerkan ku gaaray kulankiisii 151-aad ee Champions League. Kaliya seddex ciyaaryahan oo kale ayaa badiyay 100 kulan oo Champions League ah – Cristiano Ronaldo (115), Iker Casillas (101), iyo saaxiibkii hore ee Neuer Thomas Müller (111) .

Müller ayaa helay guushiisii 100-aad  laba xilli ciyaareed ka hor, sidoo kale kulankii furitaanka xilli ciyaareedka, iyo in uu ka hor tago koox Premier League ah – oo ay 4-3 kaga badiyeen Manchester United. Xitaa xiddiga weyn ee Lionel Messi kuma guuleysan 100 kulan oo Champions League ah. Ronaldo iyo Casillas ayaa ku helay kooxda Juventus oo  1-0 kaga badisay Valencia iyo FC Porto oo 3-2 kaga badisay Galatasaray, oo ay ka kala tirsanaayeen labadoodaba 2018-kii.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan