Home / Arrimaha Bulshada / Maxay tahay sababta loo barakicinayo Falastiiniyiinta Daanta Galbeed?

Maxay tahay sababta loo barakicinayo Falastiiniyiinta Daanta Galbeed?

Soddon qoyska oo falastiininiin ah ayaa laga qaatay guryahooda oo ku yaalla waqoooyiga Galbeed ee Rammallaah, daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato.
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah ururrada xuquuqul aadanaha ee maxalliga ah qoysaskan ayaa dhibaato joogto ah kala kulmayay israa’iiliyiin la soo dul-dejiyay iyo ciidankooda.
Ururka ayaa dhacdadan ku tilmaamay barakicin qorshaysan. Dhibaatooyinka waayadan lagu hayay waxaa ka mid ah in guryaha iyo baqaarrada laga gubo.
Waxaa intaas ku dheeraa in xoolaha laga sumeeyo, in beeraha laga burburiyo iyo in haweenka iyo carruurta la cabsi geliyo.
Ujeedada falalkaas ayaa lagu tilmaamay in la xidido siiyo dadka deegaanka oo dhulkooda lala wareego. Shacabka israa’iiliyiinta ee dhibka geysanaya waxaa ilaalinaya ciidankooda. Ficilladaas ayaa dadka falastiiniyiinta ah ku qasbtay inay barakacaan.
Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed, waxaa ku kordhay culeyska tan iyo bishii Oktoobar 2023, waxaa la dilay in ka badan kun qof. Ururrada deegaanka ayaa ku baaqaya in si degdeg arrintan wax looga qabto si aysan boqollaal kale ku wajihin dhibaatadan oo kale.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan