Home / Cayaaro / Monreal oo soo afjaray lix sanno iyo bar oo uu joogay waqooyiga London

Monreal oo soo afjaray lix sanno iyo bar oo uu joogay waqooyiga London

Himilo – Nacho Monreal ayaa ka tagay Arsenal si uu labo sanno oo heshiis ah qalinka ugu duugo kooxda ka ciyaarta La Liga ee Real Sociedad .

Monreal, oo 33 jir ah, wuxuu ku soo billowday Arsenal sedexdii kulan ee ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan, wuxuuna kabtan u ahaa kooxda kulankii Burnley.

Xiddiga reer Spain ayaa u  ciyaaray 250 kulan Arsenal, isagoo dhaliyay 10 gool, kaddib markii uu kaga soo biiray Malaga bishii Janaayo 2013.

Maamulaha Unai Emery ayaa sheegay Khamiistii in Monreal uu ka tagi karo Gunners-ka ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub.

Daafaca biddix ayaa ku guuleystay seddex FA Cup iyo saddex Community Shield  intii uu joogay Emirates,waxaana uu ka caawiyay inay gaaraan finalka Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Wuxuu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee caalami ah sannadkii 2009, wuxuu u saftay 22 kulan  qarankiisa wuxuuna xubin ka ahaa xulkii Spain ee koobka adduunka 2018.

Arsenal ayaa la saxiixatay Kieran Tierney oo 22 jir ah bishan, kaas oo beddeal u ah Monreal.

Daafacii hore ee Celtic ayaan weli ciyaarin kulankiisii ugu horreeyay ee Gunners mana ahan mid taam u ah kulanka Axadda ee London derby ee ay la ciyaarayaan Tottenham.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan