Home / Arrimaha Bulshada / Mozambique oo laga diiwaangeliyey koror degdeg ah oo kiisaska cudurka Mpox ah

Mozambique oo laga diiwaangeliyey koror degdeg ah oo kiisaska cudurka Mpox ah

Himilo- Wasaaradda Caafimaadka Mozambique ayaa shaacisay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ay dalkaasi kusoo kordheen kiisaska cudurka Mpox, iyadoo la xaqiijiyey 11 kiis oo cusub, inkastoo dhimasho aan la soo werin.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Agaasinka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha iyo Hay’adda Qaranka ee Caafimaadka ayaa muujisay in gobolka Niassa uu yahay kan ugu daran ee uu cudurku saameeyey, iyadoo shan kiis laga diiwaangeliyey saacado gudahood.

Guddoomiyaha gobolkaas, Elina Massengele, ayaa sheegtay in dadaal dheeraad ah lagu bixinayo xakameynta fiditaanka cudurka, maadaama uu yahay mid si fudud dadka isu qaadsiin kara.

“Waxaan hadda haysannaa shan kiis. Marka hore saddex bay ahaayeen, balse way kordhayaan. Dad badan ayaa wali la baarayaa, waana in aan taxaddarnaa maadaama uu cudurkan faafi karo,” ayay tiri Massengele.

Si looga hortago faafitaanka cudurka, Wasaaradda Caafimaadka ayaa dirtay koox farsamo oo ka tirsan hay’adaha caafimaadka qaranka si ay u taageeraan bukaannada, u baaraan dadka lala xiriirin karo, isla markaana u xoojiyaan wacyigelinta bulshada.

Mozambique ayaa markii ugu horreysay laga helay cudurkan sanadkii 2022, gaar ahaan caasimadda Maputo.

Mpox waa cudur fayras ah oo kasoo gudba xoolaha kuna faafo dadka. Waxaa markii ugu horreysay laga helay bini’aadamka sanadkii 1970 dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa 14-kii Agoosto 2024 mar kale ku dhawaaqday in Mpox uu yahay xaalad degdeg ah oo halis ku ah caafimaadka caalamka, iyadoo ay sabab u tahay kororka kiisaska iyo dhimashada, gaar ahaan nooca halista badan ee Clade I, oo si weyn uga dillaacay Congo iyo dalalka dariska la ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan