Himilo – Dood weyn ayaa ka dhalatay afti dastuuri ah oo ka dhacday dalka Guinea, taas oo loo arko inay jid u furayso hoggaamiyaha militariga ee talada haya inuu u tartamo madaxtinimada.
Natiijooyinka rasmiga ah ee la shaaciyay Talaadadii ayaa muujiyay in 89.38% ee codbixiyayaasha ay taageereen dastuurka cusub, iyadoo ka qaybgalka aftida uu gaaray in ka badan 86%, taas oo ku filan in dastuurka cusub uu dhaqan galo. Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha mucaaradka Faya Millimono ayaa natiijada diiday, isaga oo ku eedeeyay in warqado hore loo buuxiyay la isticmaalay, codad badan la baabi’iyay, isla markaana odayaasha deegaanka lagu qasbay inay cadaadis ku saaraan dadka si aysan u codeynin “maya”.
“Kani ma aha dastuur sax ah oo la aqbali karo,” ayuu Millimono u sheegay wakaaladda wararka Associated Press.
Aftidan waxaa maamulayay guddiga doorashada cusub ee uu gacantiisa ku magacaabay General Mamadi Doumbouya, kaas oo talada dalka qabsaday 2021. Inkasta oo doorashooyin guud la ballan qaaday dhamaadka sanadkan, haddana taariikh rasmi ah lama shaacin, mana uusan meesha ka saarin Doumbouya inuu isagu u tartamo xilka madaxweynaha.
Dastuurka cusub ayaa kordhinaya muddada xilka madaxweynaha laga bilaabo 5 sano ilaa 7 sano, wuxuuna ogolaanayaa xubnaha militariga inay isasoo sharaxaan. Waxa kale oo uu dhisayaa gole sare (Senate) oo saddex meelood meel xubnihiisa uu magacaabayo madaxweynuhu.
Ururrada xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda militariga ku eedeeyay inay si adag u cabburisay mucaaradka, iyadoo mamnuucday in ka badan 50 xisbi siyaasadeed isla markaana joojisay dhaqdhaqaaqii mucaaradka ka hor codeynta.
Si kastaba, ra’iisul wasaare Amadou Oury Bah ayaa natiijada ku tilmaamay “kalsooni shacabka” iyo tallaabo muhiim ah oo dalka u qaadayso dib ugu laabashada maamul rayid ah.
Balse, dhaleeceeyayaal badan oo gobolka Galbeedka Afrika ah ayaa arrintan u arka isku day kale oo ciidanka talada haya ay ku doonayaan inay muddada sii dheereystaan, xilli gobolka uu marayo xaalad siyaasadeed oo ay afgembiyo isdaba joog ah ruxayaan.