Home / Habka-Nolosha / Nepal oo wajahaysa mawjado deganaan la’aan ah

Nepal oo wajahaysa mawjado deganaan la’aan ah

Dowladda Nepal ayaa ku dhawaaqday bandow aan waqti cayiman lahayn oo laga hirgeliyay caasimadda Kathmandu, saacado yar kadib markii la qaaday amarkii hore ee bandowga.
Xafiiska Maamulka Degmada Kathmandu ayaa sheegay in bandow-ga uu dhaqan galay guud ahana magaalada, islamarkaana uu socon doono ilaa amar dambe.
 Go’aanka ayaa la qaaday kadib rabshado dhacay Isniintii oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo dhalinyarada kasoo horjeeda mamnuucidda baraha bulshada, kuwaas oo sababay 19 qof dhimashadooda iyo in ka badan 300 dhaawacooda.
Si kastaba, adeegyada degdegga ah sida ambalaasyada, gawaarida dab-damiska, gaadiidka qaada shaqaalaha caafimaadka, dalxiisayaasha, saxaafadda iyo dadka socdaalka diyaaradeed ku sjira ayaa loo oggol yahay inay shaqeeyaan, balse waa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Inkasta oo bandowga la dhaqan geliyay, haddana dibadbaxyo ay hoggaaminayaan arday ayaa mar kale ka qarxay qaybo kamid ah gobolka maanta.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan