Himilo – Newcastle ayaa dhameystirtay heshiis rikoor ah oo dhan 69 milyan ginni – 6 milyan ginni ayay ka badantahay lacagtii ay ku soo iibsadeen weeraryahanka Alexander Isak seddex sano ka hor – si ay ula soo saxiixdaan weeraryahan Nick Woltemade oo ka socda kooxda Bundesliga ka dhisan ee Stuttgart.
23-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa noqonaya Magpies saxiixii shanaad ee xagaagan ka dib markii uu heshiis waqti dheer ah u saxiixay St James’ Park.
Heshiskiisa ayaa ku kacaya kaliya (€75m) oo lagu daray (€5m), saxiixuna wuxuu si aad ah albaabada ugu furayaa Isak inuu u dhaqaaqo Liverpool.
Woltemade ayaa yiri: “Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joogo kooxdaan cajiibka ah, laga soo bilaabo xiriirkii ugu horreeyay, waxaan dareemayay inay kooxdu runtii i rabto oo ay ii qorsheyso qorshe weyn.
“Waa tallaabo weyn oo nolosheyda ah inaan ka tago Jarmalka laakiin qof walba si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyay, waxaana durba dareemaya sidii qoyskeyga oo kale.
Woltemade waxa uu xirfadiisa ka bilaabay Werder Bremen waxana uu noqday ciyaaryahankoodii ugu da’da yaraa abid ee Bundesliga isaga oo jira 17 sano 2020.
Waxa uu ku biiray Stuttgart xagaagii hore waxa uuna dhaliyay 17 gool 33 kulan oo uu saftay ka hor inta uusan ku dhameysan gooldhaliyaha ugu sareeya ee 21 jirada Yurub.
Tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan si dhaqso ah u helno saxiixa Nick, wuxuu ku habboon yahay astaanta dhabta ah waxa aan raadineynay inaan ku darno xulashooyinkeena weerarka.
Weeraryahanka 6ft 6in ayaa labo kulan u saftay Jarmalka, waxaana uu xiran doonaa lambarka 27 ee Newcastle.