Himilo – Shaqaalaha diyaarada ayaa shaqeeya saacado dhaadheer si ay uga jawaabaan baahida iyo adeegga rakaabka iyaga oo inta badan dhoolla-caddeeya.
Sida uu qoray bogga Quora, Anna McVeigh oo horay shaqaale uga soo noqotay shirkado caalami ah ayaa tilmaamtay in rakaabka looga baahan yahay inay ka foggaadan in xilli cayiman loo adeeggo oo ay sheegaan dalabaadkooda.
Ms Anna ayaa xustay in billowga duulimaadka yahay xilliga ugu xun oo lala hadlo shaqaalaha diyaarada marka la eego wakhtiyada kale.
“ Waa mid kamid ah wakhtiyada ugu mashquulka badan; marka la xero albaabada iyo daqiiqadaha ka horreeya duulimaadka waa xilli adag,” ayay tiri Anna.
Waxay intaa raacisay “Waxay u muuqataa in shaqaalaha diyaarada ku farraxsan yihiin araggaada, laakiin oggow waa loo tababaray.”
Anna ayaa farriin baaq ah siineysa dadka xiiseeya inay la la hadlaan shaqaalaha oo ay ku boorisay inay ka taxaddaraan la sheekeysiga shaqaalaha billowga duulimaadka.
Sidaasi oo ay tahay, Anna ayaa carrabka ku dhufatay in wakhtiga ugu habboon ee la sheekeysiga shaqaalaha uu yahay bartamaha duulimaadka.