Himilo –Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u gudbisay goolhayaha Real Madrid Keylor Navas.
Iyada oo Gianluigi Buffon uu ku laabtay Juventus xagaagan, tababare Thomas Tuchel ayaa u baahan bedel khibrad leh ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Ka dib markii uu noqday dookha labaad ee Bernabeu ayuu markaan doonayaa inuu ka taga Los Blancos, Navas ayaa umuuqda inuu ku habboon yahay kooxda heysata horyaalka Ligue 1.
Sida laga soo xigtay Marca, wadahadalo ayaa dhexmaray labada naadi, iyadoo Navas uu diyaar u yahay inuu u duulo Paris si uu u dhameystiro u wareegista Parc des Princes.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in talaabadaas la soo gabagabeyn doono dhamaadka isbuucaan, taasoo ka dhigaysa inuu Navas soo gabagabeyn doono shan sano oo uu ku sugnaa kooxda ka dhisan La Liga.
Bixitaanka xiddiga heerka caalami ee dalka Costa Rica ayaa ku qasbaya Real inay raadiso ku xigeen kale oo Thibaut Courtois ka hor maalinta Isniinta ugu dambeysa suuqa.
Radio Himilo
