Home / Arrimaha Bulshada / Qaramada Midoobay: In ka badan 100 kun oo kiis oo daacuun ah ayaa laga diiwaan geliyay Suudaan

Qaramada Midoobay: In ka badan 100 kun oo kiis oo daacuun ah ayaa laga diiwaan geliyay Suudaan

Himilo – In ka badan 100 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah ayaa sanad gudihii laga diiwaan-geliyay dalka suudaan ee ay colaaduhu la dageen, sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bani’aadanimada.

Bayaanka ay soo saartay hay’adda oo lagu faafiyay barta barta X ayaa lagu sheegay inuu cudurkan oo faafaya uu ku soo aaday iyadoo dalku uu wajahayo gaajo sababtay deegaannada qaar in lagaga dhawaaqo xaalad macaluul ah.

Daacuunka dalka ka ka dillaacay ayay sidoo kale ku sheegtay xaaladdii ugu dartay ee la arko sanadahan. Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee suudaan waxaa cudurka u dhintay in ka badan 2,500 tan iyo bishii Agoosto sanadkii hore.

Kororka kiisaska cudurka waxyaabaha loo sababaynayo waxaa ka mid ah burburka baahsan ee dagaaladu ay gaarsiiyeen xarumihii caafimaadka, taas oo keentay inay bukaanno badan waayaan daryeelka marka uu cudurka soo dito.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan