Home / Arrimaha Bulshada / QM: Uganda oo wajahayso 2 milyan oo qaxooti ah xilli deeqihii gurmadka ay sii yaraanayaan

QM: Uganda oo wajahayso 2 milyan oo qaxooti ah xilli deeqihii gurmadka ay sii yaraanayaan

Himilo – Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dalka Uganda uu wajahayso qulqul qaxooti oo gaaraya 2 milyan dhammaadka 2025, xilli deeqaha degdegga ah ee bani’aadamnimo ay si weyn u yaraadeen.

Bayaan kasoo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay in Uganda — oo durba ah dalka ugu martigelinta badan qaxootiga Afrika— ay hadda hoy u tahay 1.93 milyan qaxooti, in ka badan hal milyan oo ka mid ahna ay yihiin carruur ka yar 18 jir.

Tan iyo bilowgii sanadkan, dalka wuxuu celcelis ahaan u qaabilay 600 qof maalintii, iyadoo inta badan ay kasoo cararayaan dagaallada ka socda Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

UNHCR waxay sheegtay in jawaabta bani’aadamnimada ee Uganda ay hadda wajahdo mid ka mid ah caqabadaha dhaqaale ee ugu xun tobannaan sano, iyadoo miisaaniyaddii degdegga ahayd la filayo inay dhammaato bisha Sebtembar.

Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee UNHCR, ayaa sheegay in haddii taageero degdeg ah la waayo, ay jiri doonaan carruur nafaqo-darro u dhimata, gabdho lagu xadgudbo, iyo qoysas hoy la’aan iyo daryeel la’aan ku dhacda.

Hay’addu waxay ku dartay in yaraanta sahayda cuntada, biyaha iyo daawooyinka ay sababtay in heerka nafaqo-darrada carruurta ka yar 5 jirka  uu si xawli ah kor ugu kaco.

Ugu dambeyn, UNHCR waxay ugu baaqday beesha caalamka taageero degdeg ah iyo mid waarta si loo hubiyo in qaxootiga iyo bulshooyinka ay la nool yihiin ay helaan nolol ammaan ah oo sharaf leh.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan