Home / Arrimaha Bulshada / Ragga Ciidda Carafo u soo shaqo taga Muqdisho.daawo

Ragga Ciidda Carafo u soo shaqo taga Muqdisho.daawo

Maalmaha farxadda iyo dabaadegyada Ciidda waxaa jira Rag si kale uga faa’ideysta,kuwaas oo maalmahan oo kale hela fursad shaqo.

Maxamuud Tofow waa 40 jir, tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu shaqada ku shaqeysanayay,waxaa uu ka soo baxay Baladweyne isaga oo kaliya xoola qalidda u yimid Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maalmaha Ciidda qiimaha xoolaha uu ku qalo ay ka qaalisanyihiin maalmaha kale,waxaana uu xusay in toban iyo shan ilaa labaatan iyo shan doolar ay ku qalaan neefkiiba.

Waxaa uu intaas ku daray in iyada oo 25 qof ah ay ka soo baxeen Baladweyne una yimaadeen Muqdisho xoola qalidda maalmaha Ciidda,waxaana uu xusay in dhowr maalmood kaddib uu dib ugu laaban doono degmadiisa.

halkan ka daawo:

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/1376446922918253/

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan