Home / Cayaaro / Ralf Rangnick oo la xiriiray aabaha Erling Braut Haaland

Ralf Rangnick oo la xiriiray aabaha Erling Braut Haaland

Himilo – Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis la galay aabbaha dhalay weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland, iyadoo uu shaki ku jiro mustaqbalka wiilkaan.

21-sano jirkaan ayaa sii wadey inuu wacdaro ka dhigo funaanadda Borussia Dortmund, isagoo dhaliyey 19 gool 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu bartilmaameed u yahay koox kasta oo sare oo Yurub ah oo awood u leh saxiixiisa.

Haaland ayaa lagu soo warramayaa inuu wadahadalo la yeelan doono Dortmund, kuwaas oo doonaya inuu sii joogo hal xilli ciyaareed oo kale sanadka soo socda, waxayna doonayaan inay kordhiyaan mushaharkiisa, laakiin qandaraaska Haaland oo lagu burburin karo 63.8 milyan ginni ayaa hadda lagu wadaa inuu noqdo mid firfircoon xagaaga.

Manchester Evening News ayaa ku warameysa in Rangnick uu riixayo inuu gaaro heshiis u horseedaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Norway yimaado Old Trafford, wuxuuna la hadlay Haaland aabihiis suurtagalnimada inay taasi dhacdo.

Maamulaha ku meel gaadhka ah ee Man United waxa uu xidhiidh la sameeyay Alf-Inge Haaland laga soo bilaabo markii ay labadoodu ka wada shaqeeyeen kormeerka u dhaqaaqista da’yarka ee Red Bull Salzburg ee Molde ee 2018.
Haaland ayaa sii wada in uu kubadda shabaqa ku taabto Dortmund isaga oo dhaliyay 76 gool 75 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu yimid Signal Iduna Park seddex sano ka hor.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan