Home / Cayaaro / Samuel Umtiti waa tee Kooxda uu diiday inuu ku biiro bishii January
samuel-umtiti

Samuel Umtiti waa tee Kooxda uu diiday inuu ku biiro bishii January

Himilo – Liverpool ayaa lasoo warinayaa in ay xiiso u muujisay saxiixa daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti intii lagu guda jiray suuqii January.

Iyadoo Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ay dhamaantood garoomada ka maqnaan doonaan xilli ciyaareedkaan, tababare Jurgen Klopp ayaa u dhaqaaqay inuu keeno labo daafac dhexe oo cusub.

Si kastaba ha noqotee, halka Preston North End xidigeeda Ben Davies iyo kan Schalke 04  Ozan Kabak ay aakhirkii u wareegeen Anfield, waxay u muuqataa in Liverpool ay sidoo kale dooneysay ku guuleysthii  Koobka Adduunka.

Sida laga soo xigtay The Athletic, kooxda heysata Premier League ayaa xiriir la sameysay Barcelona oo ku saabsan helitaanka Umtiti, kaasoo dhaawacyo ay soo gaareen labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Kooxda reer Catalan ayaa isku aragta boos ay u baahan tahay inay ka fiirsato dalabyada ay u fidineyso ciyaartoydeeda midkood sababo la xiriira xaaladdooda dhaqaale ee sii xumaaneysa.

Si kastaba, Umtiti ayaa la sheegay inuu iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Liverpool iyadoo dhawaan uu Ronald Koeman siiyay waqti uu kulamo ku dheelo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan