Himilo – Gabar Shiinees ayaa qabsatay hadalheynta bulshada kaddib markii ay soo bandhigtay gurigeeda aan guryaha lamidka ahayn oo ay ku hoyato kaas oo ah musqul. Waxayna bil walba ka bixisaa kiro dhan 50 yuan ($7).
Qof kasta oo innaga mid ah wuxuu isku dayaa inuu lacag keysado, laakiin intee naga mid ah ayaa – si ay lacag u keysadaan awgeed – musqul u ijaaran kara? Taas waa wixii ay sameysay gabar ku nool gobalka Hunan ee Shiinaha oo dhawaan adduunka la wadaagtay waxa ay uga dhigtay musqul inay ugu yeerto gurigeeda rasmiga ah. Shirkadda ay ka shaqeyso ayay musqushani ku taallaa.
Gabadhan 19 jirada ah ayaana sheegtay inay kasoo jeedo qoys sabool ah oo aysan awoodi karin inay bil walba kiro ahaan u bixiso lacag dhan 800-yuan ($110) si ay guri caadi ah u degto, sidaas darteedna ay weydiisatay maamulaha inuu ka kireeyo musqusha uuna ka yeelay!
Dad badan ayaa rumeysan kari waayay sida ay gabadhani ugu nooshahay musqusha – iyaga oo sawirada iyo muuqaallada laga soo qaaday ku tilmaamay kuwo ay ku raadinayso attention ama halagaa sheego. Laakiin waxaa arrinkaa gaashaanka u daruuray maamulaheeda oo caddeeyey inay dhab ahaan ugu nooshahay musqul.
Waxay sheegtay in maamulku isku dayay inay usoo helaan guryo kiradoodu jaban tahay una dhaxeeya – 114$ ilaa 140$ – balse ay awoodi weysay maadaama ay mushahar ahaan u qaadato 415$. Hadda waxay awoodi kartaa inay keydsato lacag fiican oo ay ehelkeeda iyo nafteedaba ku maareyso. Maamulka wuxuu sidoo kale sheegay inay usoo jeediyeen inay jiifsato xafiisyada, balse waxay doorbiday inay deegaamaysato musqul laga hayaamay mar hore.
“Waxa iigu muhiimsan nolosha waa inaan helo meel aan ku noolaado,” ayay tiri gabadhan yar. “Mana awoodi inaan kiro badan ku bixiyo qol caadi ah.”
Radio Himilo
