Home / Arrimaha Bulshada / Shiinaha oo xiraya iskuullo iyo ganacsiyo sabab la xiriirta duufaanta Ragasa oo ku soo wajahan

Shiinaha oo xiraya iskuullo iyo ganacsiyo sabab la xiriirta duufaanta Ragasa oo ku soo wajahan

Dawladda Shiinaha ayaa ku amartay ugu yaraan 10 magaalo inay xiraan iskuullada iyo goobaha ganacsiga, iyadoo Duufaanta Ragasa oo ku soo wajahan koonfurta dalkaasi.

Waxaa la saadaalinayaa inay saamayn ku yeelan doonta tobanaan milyan oo qof, ayaa sidoo kale hakad ku keeni doonta kumannaan warshadood oo ku yaalla xarunta wax-soo-saarka ee Shiinaha.

Hay’adda maamulka gurmadka degdegga ah ee gobolka Guangdong ayaa sheegtay in duufaantu ku dhufan doonto xeebaha bartamaha iyo galbeedka gobolkaas 24 saac gudahood.

Magaalada Shenzhen, oo ah xarunta tiknoolajiyadda dalka, ayaa qaaday tallaabooyin culus, iyadoo ku dhawaaqday in 400,000 qof la daadgureeyay, waxaa la filayaa inay duufaantu wadan doobto roob xooggan, hirar waaweyn iyo fatahaado.

Duufaanta Ragasa ayaa hadda ku socda badweynta Koonfurta Shiinaha, ka hor intaanay dhulka soo galin, iyadoo horey u saameysay qeybo ka mid ah Filibiin, halkaas oo ay ku dishay hal qof.

Cilmi-baarayaal ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu ka dhigay duufaannada mid aad u xoog badan oo soo noqnoqda.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan