Home / Arrimaha Bulshada / Shirkadda Apple oo ganaax cusub la saaray.

Shirkadda Apple oo ganaax cusub la saaray.

Himilo – Shirkadda Apple, ayaa lagu amray in ay bixiso lacag dhan 14 bilyan oo doller oo ay ku leedahay dowladda Ireland.

Maxkamadda ugu sarreysa ee midowgay Yurub ayaa soo saartay go’aan Apple lagu amrayo in ay bixiso qaan canshuureed gaareysa 14-Bilyan oo doollar, lacagtan tirada badan ayaa la sheegay in Apple ku leedahay dowladda Ireland.

Margrethe Vestager, ayaa sheegtay in go’aanka ka dhanka ah shirladda Apple ee kasoo baxay maxkamada uu yahay guul caddaaladded oo dhanka canshuuraha ah, waxa ayna intaa ku dartay in Apple laga rabo in ay iska bixiso lacagtaasi lagu xukumay.

Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay go’aankaan ka dhanka ah shirkadda tiknoolijiyada ee laga leeyahay dalka Mareykanka in uu yahay guul-weyn oo u soo hoyatay muwaadiniinta Yurub.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan