Home / Arrimaha Bulshada / Soomaaliya: Ilihii biyaha ayaa guraya, beerihii ayaa qallalay, xoolihii ayaa dhimanaya.

Soomaaliya: Ilihii biyaha ayaa guraya, beerihii ayaa qallalay, xoolihii ayaa dhimanaya.

Himilo – Soomaaliya ayaa wajahaysa abaar daran markii la waayay roobabkii dayrta ee la filayay October iyo December.

Ilihii biyaha ayaa guraya, beerihii ayaa qallalay, xoolihii ayaa dhimanaya. Waxaa kordhay barakaca bulshada.

Sida laga soo xigtay UNCHR 156 kun oo qof ayaa ka barakacay goboladaToghdeer, Sool and Sanaag iyaga oo daaq iyo biyo raadinaya.

Nolosha ayaa ku adkaatay qoysas badan markii xoolihii ay u waayeen iib fiican maaddaama ay wayd yihiin, sidoo kale qiimaha cunnada iyo biyaha kordhay.

Sidaas darted waxaa dalka ka jira shanta nooc ee abaarta. Waxaa la diiwaan geliyay helidda biyaha oo aan sugnayn, le’ashada xoolaha,  beerihii oo ba’ay, dhaqaale xumo.

Arrimahan oo isbiirsatay ayaa  keenay in 4.4 milyan  oo qof ay wajahayaan hubanti la’aan dhanka cunnada ah.

Inta u dhaxaysa bilaha Jannaayo iyo Maarso ee sanadka danbe ayaa la saadaalinayaa haddii aan isbeddel la helin in xaaladda ay sii adkaan karto.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan