Himilo – Tababarihii hore ee Manchester United Erik ten Hag ayaa laga ceyriyay Bayer Leverkusen ka dib labo kulan oo horyaalka ah oo uu maamulay.
Ten Hag, oo 55 jir ah, ayaa kaliya waxaa loo magacaabay kooxda Jarmalka xagaagii ka dib markii ay shaqada ka cayrisay United bishii October.
Tababaraha reer Holland ayaa ah tababarihii seddexaad ee hore ee United ee shaqada laga ceyriyo usbuuc gudihii – ka dib markii Ole Gunnar Solskjaer laga ceyriyay Besiktas Khamiistii, Jose Mourinho ayaana ka tagay Fenerbahce Jimcihii.
“Qofna ma rabo inuu qaado tillaabadan,” agaasimaha maamulka Leverkusen Simon Rolfes ayaa u sheegay website-ka kooxda
Ceyrinta Ten Hag ayaa ah tii ugu dhaqsiyaha badnayd taariikhda Bundesliga, iyadoo jabisay rikoorkii hore ee shanta kulan.
Ten Hag ayaa saxiixay qandaraas labo sano ah si uu u bedelo Xabi Alonso bishii May ka dib markii Isbaanishka uu Leverkusen ku hogaamiyay horyaal iyo labo koob 2023-24, loona magacaabay tababaraha Real Madrid.
Ten Hag ayaa lumiyay dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah xagaagii. Florian Wirtz waxa uu Liverpool ugu soo biiray qiimo kor u kacay ilaa 116 milyan oo gini, Jeremie Frimpong ayaa sidoo kale Reds ugu wareegay 29.5 milyan gini halka Granit Xhaka uu 13 milyan gini ugu soo wareegay kooxda Sunderland.
Daafaca Jonathan Tah ayaa beeca xorta ah ugu biiray Bayern Munich, garabka Amine Adli ayaa u dhaqaaqay Bournemouth heshiis ku kacaya 25.1 milyan ginni, halka goolhaye Lukas Hradecky uu ku biiray Monaco.