Home / Macluumaad / Thailand oo Xirtay Xuduudaha ay la Wadaagto Cambodia, iyadoo Xiisad Cusub Ay Soo Ifbaxday

Thailand oo Xirtay Xuduudaha ay la Wadaagto Cambodia, iyadoo Xiisad Cusub Ay Soo Ifbaxday

Ciidanka milatariga Thailand ayaa shaaciyay in la xiray dhammaan isgoysyada dhulka ee xuduudda u dhaxaysa Cambodia, iyadoo laga mamnuucay in ay ka gudbaan dadka safarka ah, dalxiisayaasha iyo ganacsatada, sababo la xiriira cabsi amni oo ka dhalatay khilaaf soohdinta la xiriira oo soo kordhaya.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii bishii la soo dhaafay uu hal askari oo Cambodian ah ku dhintay iska horimaad kooban oo ka dhacay xadka labada dal. Tan iyo markaas, labada dowladood ayaa bilaabay tallaabooyin is-cunaqabateyn ah, oo ay kamid tahay go’aankii Cambodia ku hakisay soo dejinta shidaalka iyo gaaska uga yimaada Thailand.

Bayaanka ciidamada Thailand ayaa sheegay in xayiraaddu ay saameyneyso dhammaan gaadiidka, dalxiisayaasha iyo ganacsatada doonaya inay ka gudbaan ilaa toddobo gobol oo dhacada xadla. Waxaa jira ogolaanshooyin gaar ah oo loo fasaxayo xaaladaha bani’aadamnimo sida bukaan-socodka, ardayda iyo xaalado degdeg ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan