Home / Arrimaha Bulshada / UNICEF: Hal ilmo ayaa la barakiciyaa shan ilbiriqsi kasta gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika

UNICEF: Hal ilmo ayaa la barakiciyaa shan ilbiriqsi kasta gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika

Himilo  – Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in shan ilbiriqsi kasta ilmihii uu barakaco, dhaawacmo ama la dilo, sababo la xiriira colaadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA).

Warbixin cusub ayaa muujinaysa in muddo ka yar labo sano gudahood, ugu yaraan 12.2 milyan oo caruur ah lagu dilay, lagu dhaawacay ama la barakiciyay gobolka. Tani waxay u dhigantaa hal ilmood oo barakaca shan ilbiriqsi kasta iyo mid la dilo ama la dhaawaco 15-kii daqiiqo kasta.

Tiradaas waxaa ka mid ah in ka badan 12 milyan oo caruur ah oo la barakiciyay, in ka badan 40,000 oo la dhaawacay iyo ku dhowaad 20,000 oo la dilay.

Agaasimaha gobolka ee UNICEF Edouard Beigbeder ayaa sheegay in nolosha caruurta ay si joogto ah uga qalloocan tahay colaadaha, iyadoo haatan ku dhowaad 110 milyan oo caruur ah ay ku nool yihiin dalal ay colaado ka jiraan.

Colaaduhu waxay burburiyeen guryaha, iskuullada, xarumaha caafimaadka, waxayna caruurta la kulmaan xaalado khatar ah, barakac, walwal xad dhaaf ah iyo dhaawacyo maskaxeed oo noloshooda oo dhan saamayn kara. UNICEF waxay ugu baaqday beesha caalamka in la qaado tallaabooyin degdeg ah si loo ilaaliyo caruurta ku sugan gobolladan colaadaha ka taagan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan