Home / Arrimaha Bulshada / UNICEF oo sheegtay inay gargaar degdeg ah u baahan yihiin 3.3 milyan oo carruurta ah

UNICEF oo sheegtay inay gargaar degdeg ah u baahan yihiin 3.3 milyan oo carruurta ah

Himilo – Hay’adda Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF) ayaa ka digtay xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaanaysa oo carruurta Haiti ku habsatay, iyadoo rabshadaha iyo barakaca ay halis gelinayaan kumannaan carruur ah oo ku dhow inay ku dhintaan saboolnimo iyo macluul.

Roberto Benes, oo ah agaasimaha gobolka ee UNICEF u qaabilsan Latin America iyo Caribbean, ayaa ka hadlay magaalada Port-au-Prince, isagoo sheegay in xaaladda Haiti ay noqotay mid “musiibo bani’aadamnimo” ah.

“Maanta waxaan soo saaraynay warbixin digniin ah oo ku saabsan xaaladda carruurta Haiti, waana eray aan si fudud u adeegsan. Waxaa hadda jira 680,000 oo carruur ah oo barakacay, kuwaas oo ku nool xeryo aan nolol lagu sii wadi karin,” ayuu yiri Benes.

Warbixinta cusub ee UNICEF ayaa muujisay in tirada carruurta barakaca ah ay ku dhowaad labanlaabantay sannadkan, kadib markii rabshadaha kooxaha hubeysan ay 1.3 milyan qof ka barakiciyeen guryahoodii. Dad badan ayaa ku sugan xeryo ciriiri ah oo aan lahayn cunto, biyo nadiif ah ama fursad waxbarasho.

Benes ayaa ka digay in indhaha caalamku ay ka jeedaan Haiti xilli xaaladdu ay kasii dareyso.

“Arrintani waa mid halis ah, waxaana arkaynaa rabshado sii kordhaya oo carruurta si toos ah u saameynaya. Waxaa intaas dheer khatarta ah in Haiti laga illoobo masraxa caalamka. Sidaas awgeed UNICEF waxay ku baaqaysaa: Yaan la iloobin Haiti, yaan la iloobin jiilka carruurta iyo dhalinyarada ee halkan ku koraya,” ayuu yiri.

UNICEF ayaa sheegtay in in ka badan 3.3 milyan oo carruur ah ay hadda u baahan yihiin gargaar degdeg ah, iyadoo macluusha ay si xawli ah u faafayso dalka oo dhan. Waxaa sidoo kale xirmay dugsiyo badann sababo la xiriira amni darro iyo cunto yari.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan