Himilo – Qasaaraha ka dhashay duufaan ku dhufatay dalka Fiidmaan ayaa kordhay. Xogaha hirdhaca ah ayaa sheegaya inay ku dhinteen 19 qof, halka kumannaan kale ay saamaysay sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.
Wasaaradda beeraha iyo deegaanka ayaa xaqiijisay sidoo kale in la la’yahay 13 qof, halka 88 kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Roobab iyo dabaylo xooggan iyo daadad ayaa sababay inay burburaan in ka badan 100 kun oo guri. Waxaa sidoo kale baaba’ay beero bariis ah iyo dallagyo kale.
Duufaanka ayaa ku dhufatay waqooyiga iyo bartamaha dalka. Xukuumadda ayaa sheegtay in in kabadan 30 kun oo qof loo qaaday deegaanno ammaan ah.
Toddobaadkii la soo dhaafat duufaantan ayaa ugu yaraan 26 qof ku dishay dalka Filibiin, halka ay saamaysay in ka badan 2 milyan oo qof.