Home / Habka-Nolosha / Waa imisa tirada wariyaasha reer Falastiin ee lagu dilay marinka Gaza?

Waa imisa tirada wariyaasha reer Falastiin ee lagu dilay marinka Gaza?

Himilo – Duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen waqooyiga Gaza ayaa Axaddii lagu dilay saxafiga Falastiini ah Hassan Majdi Abu Warda, taasoo tirada guud ee wariyeyaasha lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023 ka dhigeysa 220, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Abu Warda, oo ahaa agaasimaha wakaaladda wararka ee Barq Gaza, ayaa lagu dilay weerarka lagu beegsaday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Jabalia Nazla ee waqooyiga Gaza. Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhimashada xubno ka tirsan qoyskiisa.

Xafiiska warfaafinta dowladda Gaza ayaa cambaareeyay waxa uu ku sheegay dilalka qorsheysan ee Israa’iil ku beegsaneyso suxufiyiinta Falastiiniyiinta, isagoo ugu baaqay hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa saxaafadda in ay si cad u cambaareeyaan xasuuqa joogtada ah ee lagula kacayo saxaafadda Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha Gaza, iyagoo iska dhega tiraya baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta, waxaana tan iyo bishii Oktoobar 2023 la dilay in ka badan 53,900 Falastiiniyiin, oo intooda badan ay yihiin dumar iyo carruur.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan