Home / Cayaaro / Waa kuwee Shanta ciyaaryahan ee uu Pochettino iibinayo bisha Janaayo?

Waa kuwee Shanta ciyaaryahan ee uu Pochettino iibinayo bisha Janaayo?

Himilo- Christian Eriksen iyo Eric Dier ayaa ka mid ah shan ciyaartoy oo Tottenham ah oo Mauricio Pochettino uu diyaar u yahay inuu iska diro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegayaan wararka.

Spurs ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub, iyagoo badiyay seddex ka mid ah sideed kulan oo Premier League ah iyaga oo kujira kaalinta sagaalaad inta lagu gudajiro nasashada labaad ee ololaha caalamiga..

Kooxda Pochettino ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad xilli ciyaareedkii hore laakiin waxay u muuqdeen kuwo hoos u dhac ku yimid hanaankoodii hore isbuucyadii u danbeysay waxaana koobka Carabao Cup ka reebtay kooxda League 2 ee Colchester United.

Ka bixitaan cad ayaa la filayaa inuu ka dhaco kooxda Tottenham jiilaalka, iyadoo tababare  Pochettino uu diyaar u yahay inuu ciyaartoy dhowr ah u diyaarsado suuqa isaga oo doonaya inuu kooxda ku soo xoojiyo wajiyo cusub.

Sida laga soo xigtay The Times, Pochettino iyo Spurs ayaa ka fiirsan doona dalabyada Eriksen, Dier, Serge Aurier, Victor Wanyama iyo Danny Rose.

Labada xiddig ee reer England Dier iyo Rose ayaa laga yaabaa inay baxaan halka Pochettino uu sidoo kale isha ku hayo inuu iska iibiyo Aurier, kaasoo khiyaanay ka dib markii uu 23 milyan ginni ugu dhaqaaqay Spurs laba sano ka hor.

Waqtiga ayaa sidoo kale haya ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer Kenya Wanyama, kaasoo hal kulan uun kusoo bilowday xilli ciyaareedkaan.

Isagoo hadlayay ka dib guuldaradii 3-0 ee Tottenham ka soo gaartay Premier League ee kooxda Brighton, Pochettino wuxuu sheegay inuusan ka cabsaneyn inuu shaqadiisa lumiyo.

 “Maya Wax walwal ah kama qabo, waxa i walwal geliya waa nolosha, ma ahan kubada cagta,” ayuu yiri macalinka Spurs.

  “Haddaba labadii ciyaar ee ugu dambeysay waxay ahayd xaalad adag in la aqbalo. Laakiin anigu ma doonayo inaan noqdo philosopher ama u hadlo qaab aan wanaagsanayn.

Ka dib fasaxa caalamiga ah, Tottenham waxa ay ku soo laabanaysaa Premier League oo ay garoonkeeda kula ciyaaridoonaan Watford.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan