Himilo – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysa wakiilo ku yeelanaysa baarlamaanka Bulshada Bariga Africa. Guddi ka socda labada aqal ee ee sharci dejinta dawladda Federaalka ayaa doortay sagaal xubno oo u qalma.
Shuruudaha laga rabo waxaa ka mid ah inay khibrad u leeyihiin iskaashiga gobolka, inay heer jaamaceed gaarsiisan tahay aqoontooda iyo inay awood u leeyihiin ku hadalka Ingiriish-ka.
Maxay ku soo kordhinaysaa Soomaaliya
Kor u qaadida isdhexgalka, fududeynta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee gobolka.
Soomaaliya ayaa xubinimada ururka si buuxda uga faa’iidaysan doonta. Xubnahan waxay shaqadooda noqon doontaa inay u hadlaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigaya baahiyaha gaarka ah ee ka jira gudaha dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira ganacsiga iyo horumarka.
Waxay u matali doonaan danaha iyo mudnaanta Soomaaliya gudaha EAC, iyagoo hubinaya in codka iyo aragtiyaha Soomaaliya la tixgeliyo marka la dejinayo siyaasadaha iyo sharciyada gobolka.
Markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxay heshay xuquuq ay kaga mid noqoto hay’adaha kala duwan ee ururka, oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA).
Wakiilladan ayaa ku biiri doono xubno dhigooda ah oo ka socda dalalka; Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo the Democratic Republic of Congo, kuwaas oo xaruntoodu tahay magaalada Caruusha ( Arusha) ee Tanzania.
Kor u qaadida isdhexgalka: Waxay ka shaqayn doonaan fududeynta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.
Hirgelinta heshiisyada: Waxay kormeeri doonaan hirgelinta heshiisyada iyo go’aamada la xiriira EAC, iyagoo ilaalinaya in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato xubinimadeeda.
Waxa Qoray Mohamed Abdi Osman Faradheere
Radio Himilo
