Himilo – 57 jir in muddo ah la dhibtoonayay xannuun wadnaha ka haleeyay ayaa helay wadno kale oo doofaar looga soo beddelay. Waa markii ugu horreysay ee lagu guuleyso in wadne Doofaar lagu tallaalo bani’aadam.
Qalliin siddeed saacadood qaatay oo magaalada Baltimore loogu sameeyay David Bennett kadib xaaladiisu way wanaagsan tahay sida laga soo xigtay qeybta qalliimada ee jaamacadda Maryland oo hawsha fulisay.
“Way shaqeyneysaa, waxayna u muuqataa caadi. Waan ku faraxsanahay, balse ma ogin waxa berri nooga soo bixin doona. Middan horey looga sameynin. Sidaas waxaa yiri Dr. Bartley Griffith oo qalliinka sameeyay.
Sanadkii tegay in ka badan 41 kun oo American ah ayaa xubno loo beddelay, kala bar ka badan waxaa loo beddelay kelyo. Hoos u dhac ayaa ka jira xubnaha la heli karo, tobanaan qof ayaa maalin walba u dhinta.
Sidaas darteed Seynisyahanno ayaa isku hawlay 10-kii sano ee la soo dhaafay inay hormariyaan xubnaha doofaarka si uusan u diidin jirka Bani’aadanka. Tallaabadan ayaa horu dhac wanaagsan u ah dadaalkoodii taxaha soo ahaa.