Himilo – Iibka hubka caalamka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixin ay Isniintii soo saartay Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Nabadda Stockholm (SIPRI), taasoo muujineysa in dalal badan ay kordhiyeen casriyeynta ciidamada iyo soo iibsiga hubka, xilli ay socdaan colaado iyo xiisado siyaasadeed oo caalami ah.
Warbixintu waxay sheegtay in dakhliga 100-ka shirkadood ee ugu waaweyn soo saara hubka uu kordhay 5.9%, gaarnayna rikoodh cusub oo ah $679 bilyan 2024 — kaalinta ugu sarreysa tan iyo 2018. Kororka ayaa si gaar ah loola xiriiriyay dagaallada Ukraine iyo Gaza, iyo sidoo kale walaaca amni ee ka jira meelo badan, taasoo dhalisay kharashaad difaac oo sare u kacay.
Mareykanka iyo Yurub ayaa hoggaamiyay koboca, iyadoo shirkadaha milatariga Maraykanka ay ka sameeyeen $334 bilyan, inkasta oo weli ay jiraan dib u dhacyo iyo kharash kordhin ku saabsan mashaariic waaweyn sida diyaaradda F-35 iyo doonta quusta Columbia.
Yurub gudaheeda, 23 ka mid ah 26 shirkadood ayaa kordhiyay dakhliga, iyadoo iibka guud ee gobolka uu gaaray $151 bilyan, koboc ah 13%. Shirkadda Czech-ka ah ee Czechoslovak Group ayaa diiwaangelisay kororka ugu sarreeya caalamka — 193% — taasi oo la xiriirta heshiisyada hubka ee Ukraine.
Turkiye ayaa liiska ku darsatay shirkad shanaad, waxaana ku biirtay MKE, iyadoo hore ugu jireen ASELSAN, TAI, Baykar iyo Roketsan. Dakhliga guud ee hubka dalkaasi wuxuu kordhay 11%, gaaraya $10.1 bilyan.
Shirkadaha Ruushka ayaa sidoo kale kordhiyay dakhligooda inkasta oo ay jiraan cunaqabatayn iyo shaqaale yaraan, iyadoo iibku kordhay 23% kuna gaaray $31.2 bilyan, taasoo ka dhalatay baahi gudaha oo sare.
Dhanka kale, wadamada Aasiya a ayaa hoos u dhacay 1.2%, sababtuna tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid iibsiga hubka Shiinaha oo saameyn ku yeeshay baaritaanno musuq-maasuq. Si kastaba, shirkadaha Japan iyo Koonfur Kuuriya ayaa diiwaangeliyay koboc laba-jibbaaran ah, taasoo ka timid baahida dhoofinta hubka iyo dib u hubeynta gobolka.
Bariga Dhexe ayaa gaadhay tiradii ugu badan ee shirkadaha ku jira 100 sare, iyadoo 9 shirkadood kasoo saareen $31 bilyan. Shirkadaha Israa’iil ayaa kordhiyay iibkooda inkastoo ay jirto dhaleeceyn caalami ah oo ku saabsan dagaalka Gaza.
Shirkadda EDGE Group ee Imaaraadka Carabta ayaa gashay kaalinta 37-aad, iyadoo soo xareysay dakhli gaaraya $4.7 bilyan.
Radio Himilo
